inkastooo naftaydiyo
noloshaba ku siyo
niyadayda kuu huray
inkastoo naruurooy
neecaw udgooniyo
kula rabo naq iyo doog
mar hadaad nac iyo xumo
nacab aad la daristoo
naar afuufayaashii
ku nashuushadeeyeen
anigna nasiibkay
noloshayda waan heli
nabsibaan ku raacshee
waa inoo nacaybkaa

mar haduu namiimshihii
naxli kugu abuuroo
nabaad guurshay aayihii
nacasawday maantee
aniguna nasiibkay
noloshayda waan heli
nabsibaan ku raacshee
waa inoo nacaybkaas

Exit mobile version