qofka aad ku wayntiyo
qalbigii ku jecelbaa
marka ay qadhaadhahay
qudha kuu hibeeyee

labadii is qaadee
qaxarkiyo dhibaatada
wada galay qaliinkee
qasnada jidhkoodiyo
qaybsaday halbawlaha

qarnigaba jacaylkii
ugu qiimo wayna
qorta sheekadiisee
ku midooba qoyskoo
ubad khayrle kala hela

aamiin aamiin ALLAHAYOW

qisaskiyo waayaha
qaysiyo ilaa hodan
labadii qaraamkiyo
xubi wada qudhqudhiyee

qarnigaba arooskii
ugu qaayo waynaa
farxadooda qeexoo
waa qurux jacaylkuye
qalbiyada ka raarida

Exit mobile version