qof ku jecel la noolow
naxariis agtiisiyo
ay nagaansho kuu taal
iyo niyad samaan dhabi
farxadaad noqon kara
nafta adiga kuu hura
nasashana ku siin kara

qof ku sida la noolow
ha u jabinin nacabkoo
nusqaantana ka dhawroo
nasteexada kalgacal noqo
iyo nuurka caasahaqa
iyo nuurka argtida
aniguna nasiibkay
ala ani nasiibkay
waan ku nuuri doonaa
huuno nuuri doonaa

qof ku nugul la noolow
oo nabar ku gaadhiyo
kula neceb dhibaatada
oo naftiisa kaaa jecel
naba doon jacayl badan
qalbigana nashaadiyo
nafisiyo dagani baraa

qof ku sida la noolow
ha u jabinin nacabkoo
nusqaantana ka dhawroo
nasteexada kalgacal noqo
iyo nuurka caasahaqa
iyo nuurka argtida
aniguna nasiibkay
ala ani nasiibkay
waan ku nuuri doonaa
huuno nuuri doonaa

Exit mobile version