sidigtii naftaydaay
sidii nabi ayuubaan
ana samir ku noolee
subaxii aan toosaba
samir laabta ku hayaa
sambabada agtoodiyo
beerkaad ku sugan tee
sahwi iyo xasuusbaa
sadrigayga dagayoo
aduunbaan ku sugayaa
saadadii haweenkee
saatirkay isiiyaay
si baad iigu wayntee
sidan may igu dholoshaa
seerma wayda curatiy
sagal da,ay sidiisaad
sabadka uga dhigantee
sadkii calaf isiiyay
sahal ha u maleynine
ogoow waan u simanahay
caashaqan i saanyaday
si xun hayga yeeline
sida wacan adon nicin
saxda a isku raacnaa
saadadii haweenkee
saairkay isiiyaay
si baad iigu wayntee
sidan maygu dholoshaa

Exit mobile version