samaha waa lagu hodmaa
sareedaa laga helaa
dhibtana waa lagu samraa
sadkaaguna waa wax qoran
sidaan ahay alaa oge
qalbigan kuu saafiga
ku soor adiguna kalgacal
kashaadana xuma ka saar
caqliga yaan saaxir iyo
salada kaa doorinine
sare iyo hoos wax u ogoow
rabina taladaada saar

habeen baad seexataa
saq dhexe adoo hurdaad
kusoo salashaa libaax
sas iyo baqa kaaga taga
hubsiimona waa sadee
riyada waxaa uga socdaa
sidaad moodaysa iyo
saluuguba armaanu jirin
iblays yuu kuu sawirin
sal iyo raad waxaan lahayn
sariyo hoos wax u ogoow
rabina talladaada saar

Exit mobile version