no body just like you
xabiibi naftayday
xajiintii igu mudnayd
adaa iga xaadhayoo
Adaan kuu xurmaynayaa
ragana ruuxaan xafidin
xigaallkood kama dhigtaan
xiskoodana kuma hayaan
xilka waligaa ogoow
xusuustaadana ku hay
jacaylkeenana xambaar
sidii sabi xayn ku jira
xanjeerka u jiid
xigsoo waligaa ha dhigin

no body just like you
xayndaab ubax baan wadaa
xaq baad u heshoo macaan
adaan kugu xeerayaa
xaqiiq kuu danaynayaa
dookhay waan kuu xushoo
haween adaa i xila ah
intaan ifka xay ahee
xilka waligaa ogoow
xusuustaadana ku hay
jacaylkeena xambaar
sidii sabi xayn ku jira
xanjeerka u jiid
xigsoo waligaa ha dhigin

Lyrics by Ismacil Ahmed

Exit mobile version