Adoo joogsan waayoo
jugta wadanaha gaadhiyo
jiro ay ku heyso
jilbahana lagu ridee

Janad tii ku siin laheyd
janadka midii ku siin laheyd

Hadey kulaba jooginee
haa haa haa
jirku siduu ku noqon lahaa

Ruuxaa jeclaatay
oo beer jileec leh
jinni kaama celiyee

Hadey laabtu kaa jeedo
la’aanteedu
adna jab kuma laabnee

Dumartaad ku jamaatee
Hadu jeceylku lacag yahay
jowhar iyo luul yahey
maantaad isiin laheyd

Adon jawab xun aan oran
jawab xun adon oran

Jidka hadey kuu orodo
hey heey haa
jees jees ma fiicnee

Ruuxaa jeclaatay
oo beer jileec leh
jinni kaama celiyee

Hadey laabtu kaa jeedo
la’aanteedu
adna jab kuma laabnee

Exit mobile version