Hobeey burayqadii habeenkaay
Hobeey bilicdaada nuurka leh
Hobeey indhahaa ibuseelo
Hobeey baadiyoobay awgaa

Hobeey baashahaan jeclaayo
Hobeey Balankaynu dhiganiyo
Hobeey sheekadeeni barigii
HObeey axdigii ma beerin

Jaceyl aan iga ba’ayn baa
Aniga iga baahay beerkiyo
Hodaneey bartamaha wadnaha ee

Aniga bari iyo galbeed baa
Intaa kaa baafin jirayoo
Hodanow igu baday galgacalkiyo

Hobeey bulada iyo ciyaaraha
hobeey aynu boodno caawa ee
Hobeey beer lula inoo tuma

inagu bidixda iyo midgtoo
weliba is baahan baynu nahee
Annigu aan kugu bogsadee
Hodaneey igu qabo bogaaga
Adigu barbarkaagu ka adkeey

Inagu badanka iyo laabtiyo
Ruuxayga iyo arkayga baa tahoo
Anigu waan kugu balaaranahay
Abdoo Baaqayga maqaloo
Mar uun baalkayga imaaw

Exit mobile version