daruuraha cirkoo da,ay
daa,in shubay xareedoo
deegaanka barwaaqadu
uu dalku ka siman yahay
doobkiyo barbaartuna
reeraha dushooda
dab intay shiteen
diinlayda ciyaareen
waxaad tahay dawadii
naftaydee dookhayga
bixisay dugsigayga ayaad
tahay ayaad tahay

durdurada laascaanood
digil kaaxday oo miray
dayaanka onkadkiyo
shimburuhuna ay dirireen
iskuduubni aadmigu
raxmad ay dareemeen
dibad ay ubaxeenoo
digrinayso culimadu
waxaad tahay dawadii naftayday
iidajisay dareenkayga kicisay
dookhayga dugsigaybaad tahay

Exit mobile version