waan ku goobayaaye
gacalooy ku mee
geesteed iga jirtaayee
gurigeenu yahay

naftu gama'a diidoo
gidigood haweenkaba
gaar uga ahaatee
kaalay kaalay gabadhyahay
kaalay kaalay kaama hadhaye
kaalay kaalay gacalooy
kaalay kaalay kaama hadhaye

adigaa garaadkiyo
garashiyo aqoonloo
guule kugu manaystoo
lagu gaadhi karinoo

gurigii hargaysiyo
kaa goobay sooloo
kaa gaabin maayee

Exit mobile version