adigay muunay midabkii
midhihii janada midabkooda lee
adigaa muunay
macaan iyo udgoon
la mataaneeyee
adigaa muunay
mawlaha ilaahay
marwadaydii kaa dhigay
adigaa muunay
maalin iyo habeen
halmidhidh qudha
kaamaarmine
maansha alllee
waxad tahay masuul
maamuus haween
tii ugu mudnayd

adigaa muunay
mahuraan naftiyo
miciin ii ahee
adigaa muunay
mawjadaha kalgacal
imuquuniyee
adigaa muunay
farxad iyo gudoon
madadaaliyo imabsuudiyee
adigaa muunay
milicsiga indhuhu
markay aragtidood
kugu maqanyihiin
maansha allah
waxaad tahay masuul
maamuus haween
tii ugu mudnayd

Exit mobile version