Quruxda nooceda wacan
Nasiib adiga u heloo
Waxaad naxariis u tahay
Naruuroy aragtidee
Naruuroy aragtidee….2X

Naqaan cidi goosani iyo
Nimcaa tahay ii tahay
Nusqan ka ilaaliyoo
Hooy hooy nafteydu ku
Nuuxsatee…..2X

Miyey niyada iyo qalbigu
Meel kale ku nagaan
Karaan hooy hooy
Meel kale ku nagaan
Karaan…1X

Miyey niyadi iyo qalbigu
Cid kale naawili karaan
Hooy hooy meel kale ku
Nagaan karaan…..1X

(((BOGGA LABAAD)))

Nugaalo curkii helay iyo
Nabaadku kaso baxay iyo
Nafteyda waxaad u tahay
Sidii nugul omanoo
Sidii nugul omanoo….2X

Xareedu ku nuuxsati iyo
Nasiibki iyo calaf
Haddeey nimcooy igu kaa
Simeen eeh eeh horaan nidir
Ugu galee…..2X

Miyey niyadi iyo qalbigu
Meel kale ku nagaan
Karaan hooy hooy
Cid kale naawili karaan….2X )))

lyric by Dayran omar

Exit mobile version