Waa aniga kan dhimanaaya
Waa aniga kan dhiig baxaya
Adna dhaawac yeelkeede
Xitaa dhiig makaa hooro

Waa adiga kan dhuranaaya
Waa adiga kan dheefsanaya
Ana dharagta yeelkeede
Xitaa dhuunta ima qoysid
X2

Iga daa ha iidhiibin adeer
Qoriga ha iidhiibin x2

Dhamacdiyo kulaylaha Xun Markay xabadu dhowkanto
Waxaad tahay kan dhofaya
Dhalaan kiisa raranaaya
Dhul shisheeye geesanaya

Anigana dhibtiyo howsha
Qaxa dhabarka saaraaya
Hooyadiina dhimanayso
Aabihii dhadhaabaaya

Walal kiisna dhiig baxayo
Asna dhagaha beelaaya
Dhugta iyo madaafiicda
Waxaan ahay kan dhaka-
faara x2

Iga daa ha iidhiibin adeer
Qoriga ha iidhiibin x2

Dhawaqiyo rasaastaani
Dheel dheel hadad modo
Adeer adiga oon dhuuman
Ader dhinac kasoo jeedso

Dhibta kaalay ila qaybso
Hadhakanine soo muuqo
Dhaqaaliyo rasaas taada
Adeer meel intaad
dhigatid

Dheeftiyo cuntada hayso
Xoolo hayska soo dhiibin
Qabka waan kuwada
dhalanay dhan katihid
qabiil kaane adeer
Dhimo bal toogaaga x2

Iga daa ha iidhiibin adeer
Qoriga ha iidhiibin x2

Qoraxdiyo dhalaal keeda
Qof socdaa dhibsada
Maalin ama dhado qabow badan
Leh x2

Dadka aan ku dheel minayo
Xabad aan kadaba dhownsho
Dhulkoodii kasii qixiyo
Aakhiraan la idhaafayne
Ma'adaa dhabarka saaraaya
Ilaah noo dhex mari doona
X2

Iga daa ha iidhiibin adeer
Qoriga ha iidhiibin x2

Dhib ma'arag caruurtaadu
War hoy hoy daruus baad
Uwada dhigatay war hoy
hoy

kuwo baa dhakhatiira
Hoy hoy Kuwo baa Dhaqaaleestay hoy hoy
Inay dhalasho been tahay
Day ana waxaad bal
Iidhiibtay x2

Iga daa ha iidhiibin adeer
Qoriga ha iidhiibin x2

Exit mobile version