fidnada dhaaf
famili wacan dheh
fahiima filsan dheh
faras cadaan dheh
fariid wiil dheh
farxad baan kaa codsanayaa

falaahta feedha
feedhay i sudhantee
dhiigay fatah lehh
fagaaro walbooo
facaygu joogaan
fadhiyi kara waa
fadeexoobay
waa waxaad fashayee
furiin baan kaa dalbanayaa

shaydaanbaa intuu
fiid dheer i fuulayoo
foox intuu igu shiday
fiir fiiri igu yidhi
aad faaididee
faraqaan ku haystaa
farxadii ubadkeena
ha iga fogayn

fiicnaan lahaydaa
hadaad i fahmi layd
fulkaantan igu shidan
furaash dumar kale
isku fidisay
anoo kugu filan
faaido ma lihide
waryaa ma lihide
dhagahan kaa furaysanaya

walee fashilmaye
anigu fashilmaye
facay wuxu falo
fal baan islahaa
fudayd badniyaa
kamaan fiirsane
waxaad i fartaan
fulinayaa

fursad baan ku siin
faxshar baad ku furi
fogee fayraskeeda
fidmay wadataa
faduul bay rabtaa

waan furi midaas
faceed iiga roon
marna hay fogayn
anoo foyaw iyo
adoo laabta ii furay
fiicnaan lahaydaa

hadaad furtood
faraha ka qaado
cafis baan fidinayaa

Exit mobile version