Darmaantaan jeclaayo
doog iibaxayaay
Dumar ugu fil rooneey
Dugsigaan hadhsanayaay
Ilaa xaduulkii nabi aadam
Dadku wuu is baran jiray
Duufaan jacayl iyo
Damacbaa dhex mari jiray
Aniguna dirkoodii
Dookhaygii sheegtaye
Danbi kale miyaa dhiman
Da'yarkaan jeclaayooy
Xareed iida'aysaay
Dugsi caafimaadeey
Dawadii naftaydaay

Exit mobile version