Wixii aan jab soo
Maray jeexyo aan
Ka dhaadhacay ama
Jaho wareerayee

Marbaan jidhidhicoda
Jidhku i dubaaxshaa
Intaan jaw idhaahdaa
dib u jeeha laabta

jid kaan maraan jee-
Daaliyaa anoo jilcani
Yara jilib sadaa

Sowtaan jiidhay halistii
Xalay jalalad kaygii
Miyaan jahada la ii
Dhigay

Qalam jalam jalam
Qalam jacayl kuye
Sow kan jiirta ila koray
Jarka dacalka iga lulay
Ha soo jeedsan igu yidhi

Jamaal qurux wanagay
jowhar iyo luulaay hee-
Dhe jow haradiiyay

mar baan hadalka jooja
Anoo jiitamaayaan inta
Aan janjeedhsado orod
Jagac ka siiyaa

Jid kaan maraan jee-
Daaliyaa anoo jilcani
Yara jilib sadaa

Sowtaan jiidhay halistii
Xalay jalalad kaygii
Miyaan jahada la ii

Qalam jalam jalam
Qalam jacayl kuye
Sow kan jiirta ila koray
Jarka dacalka iga lulay
Ha soo jeedsan igu yidhi

Exit mobile version