dhamacdii jacaylkaa
dharaarahan isidatoo
wali dhoobay dheefto
dhuunina ma qaate

waxa walina ii dheer
anoo dhowr iyo toban jira
ciro iga dhalaasho
duq dhamaaday la imoodo

intu dhuuniga ii tagay
ee dhuuxana guyaal galay
dhaqaaqana talaabada
kufin waayay gacantoo
mala dhuuntay awgaa

dholay waxaan ku sugayaa
dharaartii qiyaame
suurta ay dhawaaqde
xaqna aan la dhaafayn

sida dhool gu'yoo da'ay
dhibicdiisu badatoo
dhulka wada hadheeya
nafta uga dhignaydee

aduunyada dhibaatadu
sidan kuma dhamaate
qofna kama dhargaaye
dhab u fiirso inanyahay

axdigii dhaxdeeniyo
wada dhalashadeeniyo
marna maanad eeginee
waa waxad ka dhurataan

dholay waxaan ku sugayaa
dharaartii qiyaame
suurta ay dhawaaqde
xaqna aan la dhaafayn

Exit mobile version