Dheeh sheed ka muuqdiyo
In dheer wixii dhalaalaa
Dheeman maaha dahabee

Soomaalida kaligeed
Si aad kali ka dhalatoo
Quruxdana dhamaystahay

Dhulka adaa ka guuroo
Cirka sare isku dhaabee
Maxaad dumarka dheertahay

Dharab iyo ceeryaaniyo
In dheer dheelalada jiilaal
Dhibic maaha roobee

Dhalan habaabis mala
Inta biyo la moodoo
Usoo dhababa la yidhi

Exit mobile version