sareedadii haweenkay
neeflaho idil
marna kulama simayo
dhamaan waad u sidata

sababtuna waxay thaay
suuradaada quruxiyo
edebtaada suubane
saatir kugu manaystay

sirma waydo curato
saxansaxo soo udgoniyo
ubax soo guxaaya tahay saredo

hadii aan u saakhiyo
suuradaada gacaloy
sasabin naftaydani
hurdo habeen ma sexdo
waan saamalayla
adaan kugu sahmiyayaa

intayna suleekhay
heesahayga laafyaha
sadka calaf wadaagney
adaa ugu sareeyo

hidihii samaayiyo
somali dhaqankeed
aan sagsaagina abidoo
jabuuutina ku suganoo

samsam iyo barwaaqiyo
sumadiyo wareeniyo
sumcadii haweenka tahay sareed

hadii aan u saakhiyo
suuradaada gacaloy
sasabin naftaydani
hurdo habeen ma sexdo
waan saamalayla
adaan kugu sahmiyayaa

Exit mobile version