Waa hubaal dawooy
Dumarkaba dhamaan
Da'daa kaa xushee

Waa hubaal dawooy
Dareenkiyo qalbiga
Adaa doojiyee

Damqadoo jacaylbaa
Igu kaa diraayee
Duntaan kugu xidhee

Duco waalodiyo
Duul culimobaa
DAA'IM kuu baryee

Aan dabaal dagnoo
Nimco durduuranee
Dacalkaaaga qabo

Waa hubaal dawooy
Sida ubaxa doog
Kuu daawadee
Waa hubaal dawooy
Dar xareeda iyo
Midab dahabkiiyeey

Daryeelkii naftaay
Deegaan lagu dagiyo
Dugsi lagu dakeeyo

Exit mobile version