VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Adduunyooy - Lyrics

i xaman lahaayow Ama xaasidkaygow Kaan xalay wanaajee Ixumeeyay maantow Murtidaydu waa xubin Waa hadal ansoo xulay Xanuun iyo dardaaranna Waa xujee dadow maqal Xikmad weeye heestuye Xifaalaha aduunyadda ********************* Aduunyoy, aduunyoy, aduunyoy Aduunyoy xaalkaa ba 2X Xisimaha daruurtiyo Marbuu xaysku hooraa Nimcoy laggu xaduustaa aduunyoy 2X Marbaa xaaluf iyo boodh Abaar laysku xeeraa Dadku xagal wareegaa xumaataa 2X Xidigaa is doorshoo Ninkii xool lahaan jiray Marbuu xaabka qaataa xigsadaa asaagii Marbuu xaabka qaataa Xigsadaa asaagii Adunyoy, adunyoy, adunyoy Adunyoy xaalka ba 2X ****************** Xoolahaaga oo naggi Marbaad xoorka maashaa Xaragadu ku lumisaa aduunyoy 2X Marbaa xaaqin iyo guluf Cudur kaa xabaadhaa Caydh laggu xasuustaa xumaataa 2X Xirsigays badalayoo -aduunyoy Ninkii maali jiray xulad aduunyoy Marbuu xayna waayaa Xigsadaa asaagii Adunyoy, adunyoy, adunyoy Adunyoy xaalka ba 2X ******************** Marbaa xil iyo maamuus Magac lagugu xeeraa Xariir lagugu daahaa - aduunyoy 2X Marbaa xuubka diirkiyo Tallo lagaa xayuubshaa Xurmo beel ahaataa -xumaataa 2X Wakhtigays xerinayo -aduunyoy Marbuu sharafku xaydmaa -aduunyoy 2X Ninkii lagga xishoon jiray Aan cidina xalayn 2X Adunyoy, adunyoy, adunyoy Adunyoy xaalkaa ba
Queue is empty
-- / --