VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Adduunyooy mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Abdi Qays
Adduunyooy

i xaman lahaayow
Ama xaasidkaygow
Kaan xalay wanaajee
Ixumeeyay maantow
Murtidaydu waa xubin
Waa hadal ansoo xulay
Xanuun iyo dardaaranna
Waa xujee dadow maqal
Xikmad weeye heestuye
Xifaalaha aduunyadda

*********************

Aduunyoy, aduunyoy, aduunyoy
Aduunyoy xaalkaa ba
2X

Xisimaha daruurtiyo
Marbuu xaysku hooraa
Nimcoy laggu xaduustaa
aduunyoy
2X

Marbaa xaaluf iyo boodh
Abaar laysku xeeraa
Dadku xagal wareegaa
xumaataa
2X

Xidigaa is doorshoo
Ninkii xool lahaan jiray
Marbuu xaabka qaataa
xigsadaa asaagii
Marbuu xaabka qaataa
Xigsadaa asaagii

Adunyoy, adunyoy, adunyoy
Adunyoy xaalka ba
2X

******************

Xoolahaaga oo naggi
Marbaad xoorka maashaa
Xaragadu ku lumisaa
aduunyoy
2X

Marbaa xaaqin iyo guluf
Cudur kaa xabaadhaa
Caydh laggu xasuustaa
xumaataa
2X

Xirsigays badalayoo
-aduunyoy
Ninkii maali jiray xulad
aduunyoy
Marbuu xayna waayaa
Xigsadaa asaagii

Adunyoy, adunyoy, adunyoy
Adunyoy xaalka ba
2X

********************

Marbaa xil iyo maamuus
Magac lagugu xeeraa
Xariir lagugu daahaa
– aduunyoy
2X

Marbaa xuubka diirkiyo
Tallo lagaa xayuubshaa
Xurmo beel ahaataa
-xumaataa
2X

Wakhtigays xerinayo
-aduunyoy
Marbuu sharafku xaydmaa
-aduunyoy
2X

Ninkii lagga xishoon jiray
Aan cidina xalayn
2X

Adunyoy, adunyoy, adunyoy
Adunyoy xaalkaa ba

codkii Abdi Qays