adoo haraadanoo
biyo haysanoo
ku habaabay oonkani
hogoli meel dheer
haday ka hoorto
amuurahaygiiba hada
i hareer fadhiistee
aniga hawlahaagii
iima aad hanbaynin

adoo hiigid laa
habeenimo galoo
hiigsanaaya meel dheer
halkaad maraysaa
halis haday tahay
hamuun waxay tidhii
hadmuu hororku qaadi

adoo hiyi la'oo
cudud haysanoo
nacabkaa ku helay
adoo hooto waran
halyay kuu qabsado
hamuun waxay tidhaahda
hadmuu halista gooyaa

ma hadhee huqdu
ninka ay heshee
hoyaayoo walee
hurdo uu gamiyo
hadhac waa ka duul
mahade hadii
laba reer kala hadho
adaan kugu hamiyayaa

Exit mobile version