Nin damqadayba taahyeey
ninuu dagayba heesyeey
waa sidaa daruurtee
danab dabeel iyo hilaac
jacaylku igu da’ay

Ninkii dooxa reer fura
daad kamaa foogaade
anoo taydiiba u daran
doox igu jabyee

Doon raacayeey
duufaan cir iyo
doonidii bad weyn
ila durugtayeey

Dibnaheeda ruux gala
ilayn way duddumiyaan
Dumar waan ka quuste
dabaday jirrow

Haween waa kuwa i dilay
igu duwayna naaskee
waa belo rag loo diray
lama dayn karaaye

Dahan racayeey
kadar doontayeey
dadan iyo hanfada
damac igu xidhyeey

Hadday dabacdu nacastuba
walaal way u dirirtaa
doqon waan ka quustee
dabaday jirrow

Ninkii duulimaad tagga
dirir kama fogaade
anigoon digniin qabin
laygu soo dagyeey

Dirgan waayayeey
dugaag igu shiryeey
dadqal iyo libaax
debed iga helyeey

Dibnaheeda ruux gala
ilayn way dudubisaa
doqon waan ka quuste
dabaday jirrow

Hadday dabacdu nacastuba
walaal way u dirirtaa
doqon waan ka quustee
dabaday jirrow

Waa iga dardaarane
doqon lama gargaarsado
dabaday jirrow
doqon nabigaa sheegay

dabaday jirrow
dumar waa cadaawe
dabaday jirrow

Exit mobile version