waan kuu hanwaynaa
kuu heelanaan jiray
haween kuu jeclaa
oon hiil iyo hoo
haybtaada taagnaa
hagarli i walaahiye
hadalkaagii macaanaa
hilaadaydii toosnayd
adaa haw kayidhiyoo
hir lagaaga baaqee
horta waa abaalkaa
hadimada ku gaadhiyo
waxaad hawl lakulantee
maka heestay ceeldheer

waan kuu hogaansamay
kugu soo hamiyi jiray
hadba kugu warwari jiray
oon hoos iyo guud
hawlahaaga wadi jiray
hor Ilaah walaahiye
hamadii aan kuu qabay
hiladaydi toosnayd
adaa haw ka yidhiyoo
hir lagaaga baaqe
hadalkii macaanaa
hilaadaydi toosnayd
adaa haw ka yidhiyoo
hir lagaaga baaqe
horta waa abaalkaa
hadimada ku gaadhiyo
waxaad hawl la kulantee
ma ka heestay ceel dheer

Exit mobile version