dadka ila hadlaaye
dooda ii furaye
aan dareemin buurhaa
cishada iga saaro

jacayl ig da'a weynba
dhagta la ii xidhaayo
daandaasigii hore
dabayluhu i qaato
i dulinduceeyo

gebi degan geeyo
bogan igu daboolo
ma daneeyo gaajada

geenyahana ma daydayo
socodkana ma daaro
oo gedooda ma moode

waxaan aniga ii dana
iyadana iyaaya
intaa ay i deeqde
deeqa iga maqan taay

kuma daro ruux kale
aan dhudhuunta dhaxante

dadka igu diraaye
igu diraya doqonta
xuma ii daboole
dab la shido inan galo

inkastoon daldalataan
ama hadala dudubistan
dabka ila dhaafo

ha ku daaline daya
inan diiday waa rune
waxa aanan dooneyn

la iguma dirqinayo
dabi maayo reerka
hore ugu dadaale

waxaan aniga ii dana
iyadana iyaaya
intaa ay i deeqde
deeqa iga maqan taay

Exit mobile version