Booqashiyo baxnaananeey
Ruux bukaa bariidiyoo
Booqashiyo baxnaananeey
Balaayaa ka baqashiyoo
Bariidiyoo baraasharee

Babulaha libaaxaa
Barqantii wareegtaa
Buuraha shabeelkaan
Ila baadh idhaahdaa

Marka uuga hor boodaan
Buuraha salaamaa
Bakaylaha sidiisaan
Bur caleen la seexdaa

Wuxuu i baday jacaylku
Wuxuu i baray ka sii daran
Bil labaad dhacaysiyo
Birikaac hilaaciyo
Gaaraabidhaankaan
Kugu baadi doonaa

Wuxuu i baday jacaylku
Wuxuu i baray ka sii daran
Bil labaad dhacaysiyo
Birikaac hilaaciyo
Bil labaad dhacaysiyo
Birikaac hilaaciyo
Gaaraabidhaankaan
Kugu baadi doonaa

Bal waxaan ku doonaa
Barigeena midhiini
Oo bacal igu gargaaree

Bada waxa ku noolbaa
Badanbeer cadaadana
Bidhi inay isiiyaan
Bal anigu qaadiye

Bada waxa ku noolbaa
Badanbeer cadaadana
Bidhi inay isiiyaan
Bal anigu qaadiye

Wuxuu i baday jacaylku
Wuxuu i baray ka sii daran
Bil labaad dhacaysiyo
Birikaac hilaaciyo
Gaaraabidhaankaan
Kugu baadi doonaa

Wuxuu i baday jacaylku
Wuxuu i baray ka sii daran
Bil labaad dhacaysiyo
Birikaac hilaaciyo
Bil labaad dhacaysiyo
Birikaac hilaaciyo
Gaaraabidhaankaan
Kugu baadi doonaa

Hogan waxa ku rooraa
Bahal hoose wali idhaa
Haka baqan yidhaahdoo
Noolaha la geeyaa

Sawkaa ugaadhuna
Nafta kaan u gaaraba
Ritagay baroortoo
Bacadka iga qaadee

Exit mobile version