la yidhi kaftan reer magaal
runtu kaabiga u yahay
kor waayeel wada indhee
ogaan iyo ula kac baad
kabaha ugu joogsataa
hadana kamacbaa tidhaah
kibirow ha jabin war hooy
hakala ridin caashaqee
aan wada kool koolinee
kaalayoo kaalintaada adkee
ku sheegayee kalsooni
kalsooni laba is jecel
waxay korisaa niyada
kalgacalkay baanataa
karkaar wedaarintiyo
kulaylkuna wuu dhibaa
ka reeb ka dar bay dhashaa
kibirow ha jabain waar hooy

Exit mobile version