Dhaaxaan dhaaxaan suleekhaay
Sida saymo roob saaciyo ugbaad
Nafta kugu saboon caashaqa sidee
Caashaqa sidee samo iga gudoon
2x
Waan kugu simee
Sida sabi dhalaan
Hani Waan kugu simee
Sida sabi dhalaan
Sacabada ku qaad
2x
Hana sahashaninee
Galiyoo sadriga
Sambabada ku saaq
Sambabada ku saaq
2x
Jacaylkana saxoo
Saablayda iyoo
Ku sifee qalbiga
Ku sifee qalbiga
2x
Dhaaxaan dhaaxaan suleekhaay
Sida siifad ubax sabad lagu nastiyo
Saxansaxo udgoon kuu sahamiyee
Kuu sahamiyee samo ila wadaag
2x
Waad I sahayatee
Saadaal rajo leh
Waad I sahayatee
Saadaal rajo leh
Farxad igu salaan
2x
Ha ka seexaninee
Jidhka sooman iyo
Sooryee wadnaha
Sooryee wadnaha
2x
Jacaylkana saxoo
Saablayda iyoo
Ku sifee qalbiga
Ku sifee qalbiga
2x

Exit mobile version