Aduun waa silsiladoo
Kuma saxan wareegoo
Samadaa ninbaa tagee
Nina uu silcaayaa
2x
Midba soorta uu cuno
Sahal aan ku soo qaban
Nina saanadliyo maan
Siduu doono yeela
2x
Saatirkii na uumaa
Sidan noogu tala galay
Wixii subax uu kuu qoray
Seegi maysid inanyahay
2x
Adigoon suleekhaay
Noqon sawjadaydee
Miyaan seexan karayaa
Suleekhaay seexan karayaa
2x
Saxan saxo udgooneey
Saymo roob da'aayaay
Samirkiyo xishoodkana
Hablo tii u sidataay
2x
Dumar Taan ka soocdaay
Samahaan filaayaay
Suuradii ideeqdaay
Seen kugu ilaawaa
2x
Adigaan sir iyo caad
Salka xididadaydiyo
Seedaha jidhkaygiyo
Laabtayda kugu saxay
2x
Adigoon suleekhaay
Noqon sawjadaydee
Miyaan seexan karayaa
Suleekhaay seexan karayaa
2x

Exit mobile version