araga quruxiyo il qabad aqliga fahankiyo talada
adaa idilkood hablaha anshaxa u sitoo dhaxlee
anoo inyar kuu jiraa indhuhu kuu xiisayaan
adoon macan iga fogayn ayuu ku tabaa qalbigu
adaan aragsaneey marka aad aqalkayga timid
aduunba isasiiyayoo is idhi ifka waad hantiday
ducada rabibaa aqbala amuurtana nagu xiftiya
amaan dumar dhinac walbaba aday kugu idishehe
inaad ubad ii dhashoo aduunka intaan jirana
adiguun kaasoo ag kacoo uunbaa duco iigu filan

Exit mobile version