adaa edebiyo aqkhlaaq le
adaa quruxiyo ilwaad le
adiga adaa anshaxiyo asluuble

ugaas dhaqanloo amaan le
afkiyo ku abqariya diinta
alaylahe adaa ahaaday

adaa dabci iyo wanaagle
adaa carfi iyo udgoon le
astaamaha gaari adaa le

adaa deeqsiyaw dulqaad le
adaa garawshiyo aqoonle
astaamaha gobi ku faanto

hadaan aragtida markiiba
indhahu soo jiidan muuqa
inbaa dhiman qurux haweene
dhamaystiraneey asluubsan

hadaan garta odayadeeda
ayaa naqay loogu yeedhan
inbaa dhiman geesi wiile
asteeyoo garasho dheer

adaa asturnaan dareenle
adaa dawo iyo dabiible
deeqaay adigaaa
dookhloo ishaaran

adaa diricoo hab dhaqan le
adaa dugsi iyo daryeel le
asagaa adaa ka sheegan

amaan adigaa mutaystay
ogaalkay adaa haweenka
intaan hubo hubo ugu horeeya

adaa adaa dar alle i deeqay
adaa muuqiyo iimaan le
adaa dadnimo iyo hubaal le

hadaan aragtida markiiba
indhahu soo jiidan muuqa
inbaa dhiman qurux haweene
dhamaystiraneey asluubsan

hadaan garta odayadeeda
ayaa naqay loogu yeedhan
inbaa dhiman geesi wiile
asteeyoo garasho dheer

Exit mobile version