yartaan la asqoobeey
ilwaad quruxdeeda
abuurta wanaagsan
yartaan lagu haysan
itaalkiyo jooga

astaanta hubqaadka
yartaan ashqaraaray
iftiin dhabankeeda
yartaa anfigeeda
ishii bogataaba
ayaamo ku joogto

ayaan badniyeey
ILAAHII isiiyay
ayaa mahadaa leh

yartaan amakaagay
ugbaad sharafteeda
yartaa aynigeeda
ku dhaaftay asluubta
ixsaankiyo diinta

yartaan ixtiraamka
afkeeduba gaadhin
insaanka a jooga
yartaa aqligeeda
aduunku layaabay
aqoonta garaadka

Exit mobile version