dartaa bohol yawga miyaan ka baxaa
bildhaan qurux awgaa miyaan bad qaba
bogaygu jacaylka miyuu ka bogtaa
beerkayga xasuustu miyay ka ba daa
bilaay kalgacaylka adaa bud dhigee
arbaayo dhankaaga bal iinta ka dhawr
caashaqa bilicdiisa adaa i baree
si aan u baxnaansho badh kayga isii
kolkaan ku bartaan barwaaqo helee
ala dhalyahay boqortooyo adaa iga badan
badhbaa ku tabaysa kuu baahi qabtee
baan baani quluubta basaastay dartaa

Exit mobile version