Sida dhoolka guga,oo
Mudug iyo gal dogob
Dhulka udug ku hooroo
Dhigay biyaha mudugiyo
Dhabayaasha ciideed
Oo ubax dhalaaliyo
Dhaameelku baxayoo
Dhafaruur bislaatiyo
Midho dhiin guduudana
Dhaayuhu arkaayaan
Dhayal looma heese
Dhankastaba bishaarooy
Adaa iga dhiganee
Soomaali dhaladiyo
Dhoolkiisa tahee

Quruxdaada dhilaneey
Dhawrsano hadaan qoro
Dhabtii koobi maayee
Dhaqan iyo asluubiyo
Hida aan is dhalan rogin
Rabi kuu dhameeyoo
Sina uma dhataalnide
Dhitayahay qarsoonee
Naftu dheefsanaysaa
Qalbigaa dhaqaalee
Dhayal looma heese
Dhan kastaba bishaarooy
Adaa iga dhiganoo
Soomaali dhaladiyo
Dhoolkii saraa tahaye

Exit mobile version