cayn kastood aqoon iyo cilmi badan u leedahay
imisaa culuuntiyo casharada badh kuu hadhay
cid kaleeto kaa Jira

camalkaad samaysiyo caqligaaga ha u bogin
caku ilaa laguu qiro ha is cajabin adoo qudhi
cid kaluu ku wacanyehee inay calan ku saartee
ha isla cararin adiguyoo cidla kali sacab
ha tuman

qofna cawlanaantiyo wakhtaa ciilay ha u nicin
midna cuud uu haystiyo ha u cisayn had iyo jeer

calafkaaga qoran iyo wixii caadil kuu qoray
cisho seegi mayside si xun ceeshka ha udayn
magacaagu ceeb iyo yuu ku noqon xumaan caan
waligaa ha caasiyin calmashada dareenkiyo
cabashada qof kuu nugul caashaqa tix galiyoo
nafsina h u culan dhiil

Exit mobile version