inanyahay dookh iyo kalgacal
ayaa igu kaa daroo
dushaa kaa eegan jiray
dumarna wan kaa jecelahay
inkastoon doonis iyo jacey
dab iyo baar yihiin
hadan dirqi kuma hikado
haday naftu diidan tahay
adaa goor iyo habeen
dareen kay kula jiraa
dantaydiina baylahshee
macaan ha iidarnaan
adaan kaa daba djacee
anoon kuu dayrinayn
sikale kuu diidanayn
diyaar uma ihi hada
inaan kula daadahshee
daydayo meel kale

miyaadan jidh dubaaxsha iyo
lahayn damiir iidamqada
dadnimo kugu leexsanayn
inaba iidiir naxayn
dawo weerer ja iyoo
aduun waa is daba maraa
haduu kula dagay wakhtigu
dan iyo heelo kaama lihi
dunidu waa ayaan qudhee
armuu nabsi kula darsaaa
intuu ingahaaga dago
adoo la irdaran jaceyl
hadhow aan ugu dagtaa
dareenkaygiyo qalbiga
wuxuu igu daray mid kale
inaan kugu soo gujiyo
marnaba dabax ha iga filane
daydayo meel kale

Exit mobile version