VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dawadayda Noqo - Lyrics

Wadnaha kalgacaylku dago Daranaa beerka nugul Naftii doonaysaa ruux Mid kale dawo uma noqdee Nimcooy kaa calmaday haween Qofkuu daashado jacayl Ileen damqashadu ku badan Anoo dad la joogayaan Dareemaa wehel la,aan Markaad iga durugsan tahay Yartaan ku ducaystayeey Gayaanka ka doorbidaay Duulkii noloshaydayda iyo Nimcooy dawadayda noqo Dunida inta wiil ku nool Markii raga la isku daro Midkaan dunta kaga xidhaay Naftayda daryeel u noqo Anoo daar seexdaybay Dabayluhu igu dhacaan Docdaada igu banaan Dabeecada gobonimiyo Dadnimadaan kugu jeclahay Dhirtoo doogowday baan Hadaanay ku dawaanin Ishayda diraac u tahay Xareedoo da,daybaa Daraadaa oomanahay Dareenka xagaaga jira Indhaha dookhoodii raba Dantoodina aragtidiyo Adiga daymadaada tahay Dhankaagay ka daadahee Waxaa i dirqiyay jacayl Agtaaduu igu darbaday Mayaduba u darantahay Dabuubta wanaagsaniyo Hayey dawadeedu tahay Miyaad dar alle ogtahay Inaan dumar kaaga go,ay Siduu iikaa dulsudhay Anfaacigu igama dago Hadmaan dadab wada galnaa Anaa kaa daran cishqiga Waan kuu diida hurdada Miyaan darisnaa riyada Miyaan hoy wada dagnaa Hareeraha iga daydaa Anoo daar seexdaybay Dabayluhu igu dhacaan Docdaada igu banaan Dabeecada gobonimiyo Dadnimadaan kugi jeclahay Dhirtoo doogawdaybay Hadaanay ku daawanayn Ishayda diraac u tahay Xareeda cirkoo da,daan Daraadaa oomanahay
Queue is empty
-- / --