VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Dawadayda Noqo mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Abdiaziz Ali Iskalaji
Dawadayda Noqo

Wadnaha kalgacaylku dago
Daranaa beerka nugul
Naftii doonaysaa ruux
Mid kale dawo uma noqdee
Nimcooy kaa calmaday haween

Qofkuu daashado jacayl
Ileen damqashadu ku badan
Anoo dad la joogayaan
Dareemaa wehel la,aan
Markaad iga durugsan tahay

Yartaan ku ducaystayeey
Gayaanka ka doorbidaay
Duulkii noloshaydayda iyo
Nimcooy dawadayda noqo

Dunida inta wiil ku nool
Markii raga la isku daro
Midkaan dunta kaga xidhaay
Naftayda daryeel u noqo

Anoo daar seexdaybay
Dabayluhu igu dhacaan
Docdaada igu banaan
Dabeecada gobonimiyo
Dadnimadaan kugu jeclahay

Dhirtoo doogowday baan
Hadaanay ku dawaanin
Ishayda diraac u tahay
Xareedoo da,daybaa
Daraadaa oomanahay

Dareenka xagaaga jira
Indhaha dookhoodii raba
Dantoodina aragtidiyo
Adiga daymadaada tahay
Dhankaagay ka daadahee

Waxaa i dirqiyay jacayl
Agtaaduu igu darbaday
Mayaduba u darantahay
Dabuubta wanaagsaniyo
Hayey dawadeedu tahay

Miyaad dar alle ogtahay
Inaan dumar kaaga go,ay
Siduu iikaa dulsudhay
Anfaacigu igama dago
Hadmaan dadab wada galnaa

Anaa kaa daran cishqiga
Waan kuu diida hurdada
Miyaan darisnaa riyada
Miyaan hoy wada dagnaa
Hareeraha iga daydaa

Anoo daar seexdaybay
Dabayluhu igu dhacaan
Docdaada igu banaan
Dabeecada gobonimiyo
Dadnimadaan kugi jeclahay

Dhirtoo doogawdaybay
Hadaanay ku daawanayn
Ishayda diraac u tahay
Xareeda cirkoo da,daan
Daraadaa oomanahay

codkii Abdiaziz Ali Iskalaji, Nimco Dareen