inanyahay ful ubaxiyo
fal onkaday la moodee
filkeed qurux u sidataay

eegmada faduushiyo
tan fariinta caashaqa
faraqbaa u dhexeeyee

indhahaygan fiirada
la fogaatay daymadu
sida filin la daawada
kula faqa anoon hadal

dhaayahan u feejigan
filsan dhugashadaada
fasiroo jaleecadayda
fahan inaan ku jecelay

cishqigaagan igu fiday
dadkii iga faquuqyoo
fikiroo walaacoo

niyadii fayaw iyo
taan jacayl fadhiistaa
kala faracsanaadee

sidu ii faruur xidhay
igu faro adaygoo
fili maayo keenada
inuu iga furaayee

Exit mobile version