Foosiyaay jacayl
Anigoon filayn
Niyadana u furin
Sawkan ila falgalay
Feeraha jidhkiyo
Sambabada ku fiday
Wadnahana fadhiya
Oon iga fogayn
Fikir iyo dhibaa
Igu fara batoo
Fajac igu ridee
Ee bal maxaan falaa

Foosiyaay kalgacal
Waygu faafayee
Ha igu fiirsanee
Fadlan wax ila qabo
Fiidiyo habeen
Cidiyahaan faruhu
Fooriyo dabayl
Oon kula faqee
Fikir iyo dhibaa
Igu fara batoo
Fajac igu ridee
Bal maxaan falaa

Exit mobile version