Caashaqu ma guuroo
Ma guuroo ma gaabtee
Haniyeey gob weeyaan
Waa geed hadhwaynloo
Guudka midho ku yeeshoo
Waligii la goostee
Ana gocoshadaydii
Gurigaad ku noolaydiyo
Gaalkacyaan xasuustaa
Oo gacalooy inaabtaay
Gurigii yamayskaan
Riyo kaaga goobaa

Inkaston godoomoon
Kala guurnay waayana
Laabta kaama goynoo
Galsooriyo israaciyo
Faraxleey garkeedaan
Wali gaadh is leeyahay
Bada garacad xeebtiyo
Gidi mudug dhamaan baan
Gobaadeey ku haybshaa
Oo gacalooy inaabtaay
Gurigii yamayskaan
Riyo kaaga goobaa

Exit mobile version