Nasiibyahow maad samayn
Markaad dadkan nooca badan
Naqayso i tidhi mid aan
Noloshu waxay tahay aqoon.

Kalyahay nabarrada wakhtiga
Nitaaqada waan mutee
Maantaba nidar ila saxeex.

Jacaylladan naafada ah
Namiinkiyo xaasid ka ah
U noqon maayee ogow!

Naftaydaay ha i dirqiyin
Kun jeer baad niyad jabtee
Qalbigu ha i yara nastee
Ha ii jabin ruux i neceb.
Anoo naxariis kalgacal
Nasteexo ku soor lahaa
Wadnaha ku nagee lahaa
Nabdiga ku xariiq lahaa

Wakhtiga nacab igu dariyo
Dookhaygoow iimaad nixin
Adaa igu nabay qofkaa
Dhibkayga ku naaxayoo
Nac iyo xume waan mutee
Mar kale ha i beer nuglayn.

Exit mobile version