Hamuun baan kuu qaba
Intaa waan ku haybiyaa
Habooneey caashaqu
Hadeer wuu igu habsaday
Halista haankiyo qalbiga
Ayuu iga hawlayaayee
Halbawlaha dhiiga habiyo
Wuxuu ka hugmaa wadnaha
Inuu halis yahay jacayl
Abwaanadu heesa iyo
Ku sheegeen maanso hore
Waxay i hagaagi lahayd
Dhibtuna iga hadhi lahayd
Adoo ii hagarbaxee
Hadhuub caashaq baan sidaaye
Ismahaan iisoo hambee

Adaan kuu hayaa wanaag
Adaa hanaqiyo laabtiyo
Halkaan u nuglahay ku yaal
Adaa hadhsadoo hantiyay
Adaa iiga dhigan hilaaciyo
Daruur igu hoortayo
Adaan hablahaba dhamaan
Ismahaan aan kula hayaa
Inuu hiirtaanyo iyo
Hafeef leeyahay jacayl
Horaa loo yidhi midaa
Waxay ii hagaagi layd
Dhibtuna iga hadhi lahayd
Adoo ii hagar baxe
Hadhuub caashaq baan sidaaye
Ismahaan iisoo hambey

Exit mobile version