hamuunbaan kuu qabaa intaa waan ku haybiyaa
habooneey caashaqii hadeeruu igu habsaday
halista hankiyo qalbiga ayuu iga hawlayaaye
halbawlaha dhiiga haba wuxu ka hugmaa wadnaha
inuu halis yahay jacayl abwaanadu heesa
iyo ku sheegeen maanso hore
waxay ii hagaagi lahayd dhibtuna iga hadhi lahayd
adoo ii hagar baxee haruub caashaqbaan sidaaye
ismahaan iisoo hanbayn
adaan kuu hayaa wanaag adaa hanaqiyo laabtiyo
halkaan u nuglahay ku yaal adaa hadhsadoo hantiyay
adaa iiga dhigan hilaaciyo daruur igu hoortayo
adaan hablahaba dhamaan aan kula hayaa
inuu hiirtaanya iyo hafeef leeyahay kalgacal
horaa loo yidhi midaa

Exit mobile version