Haween taan kala baxee
Hablaha ka tilmaantayee
Hiyigu tuuigu talin
Muddaba ku hadraayayee
Middii hibo looga dhigay
Haybad quruxiyo wanaag
La hayn hagardaamadee
Hirgali hodaneey hirgali
Caashaqan godladey

Halyeeygaan ragga kala Baxaw
Hanadkii aan goobayoo
Naftaan kugu howlanoo
Inaan ku hantaan rabaa

Hoobaan aan kuu guriyo
Hogashu weey noo da dee
Hooy aan wacan aan wada galnee
I hanoo i hanoo
Cabdoow waan kaa helee

Hurdadaa taan uga go ee
Hariyo jiifka uga tagay
Halboowlaha dhiigga iyoo
Wadnahaan hooy kaaga dhigay

Adaa harsadoo hantiyay
Hareeraha beerkiyoo
Hawaduu meeshay martee
Hirgali hodaneey
Hirgali caashaqaan godladay

Muddabaa kaan haybiyee
Naftaa u hibeeyayoo
Hawraartu weey iga dhantahee
Hadmaan wada hooy galnaa
Adaa isku keey huroo
Runtii haybad kuu noqder
Hammigaan kugu kaydiyee
I hanoo i hanoo
Hubaal waan ka helee

Exit mobile version