hal ka dooro gacalada
geeda waaqa himilada
hindisaha ka dhigo guri
horumari xul gudashada
aragtida hayaan gali

hadrashada ka dhowroo
ha go doomin hibashada
habashada ha gaagixin
ogow nolosha kii gaya

nafta hoodhe tii jecel
hanka ruux u goo qudha

nafta hoodhe kii jecel
hanka ruux u goo qudha

ku hab laabta caashaqa
oo gaga xiisaha
la dhisoo xalaalo
inaa sugi weydee
hubsashada ka dhigo xeel

kalgacaylku waa hadhee
haye noqo la jecel yahee
dareenka ku hagayana
uu hanbeega kula jira

Exit mobile version