hanti la isa siiyiyo
micno ma laha hoodiyo
qof dantaada kugu haga
talo fiiican kuu hura
lama helo aduunyada

hiigsigaaga noloshiyo
hamigiyo u jeedada
intaa kaa halaysa ee
ku hanqaartabaa badan

dadbuu horumarkaagiyo
dhibayaa hankaaguye
dibnahaaga haysoo
halka aad u jeediyo
hadafkaagu yuu garan
hawl yaraan dadkoo dhami
xogahaaga wada helin

ha u iloobin barashada
hada ruuxaad kulanteen
dagdag ha isu dhiibine
dib wuxuu ka noqon hubi
haki xiisahaagoo
feejignaanta ku horee

hoosaaso beenaad
yaan lagu hadoodino
ka hadhoo ka dheeroow
mar hadaaan lagu hayn
waa halis jacaylkuye

u hubsoo dadkana kii
hibo qaybsi kuu gala
kuu hiisha kula jira
ha la siman cidee garoo

Exit mobile version