VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Haybado - Lyrics

adaa haybadoo haweenka u hoodiyo haybad wacan hanaana adaa u qurxoon adaa ugu hadal macaan habsamidaada i deeqday habdhaqankana waxaad u tahay hablaha soomaaliyeed kuwii ugu hagaagsanaa hal door u ahaa bulshada hormuud lagu faanayaay sareeyaay horumarshaay hilaacii nuurayow sidii hogol ii da'aay dadkaad dadkaabad halhays u tahay hubaashii ruux ku helay ayaa hibashada ka tagee ka koray hadimadiyo dhibtoo hantaaqiyo ciil ka baxay adaa himilada wanaagsan dhigaa ugu hiigsi badan halbeeg adigaa lahoo adaan hagrashada aqoon jabuutoo horumar gaadhay hirkiyo dayaxana u hayaantay hufnaantana lala cajiibo ayaad la hal maashayoo misana hilib kuugu yaal hooyadii ku dhashaa amaansan halyaygii ku korshaa hagaagsan hoodana adigaa lahoo hidiyo dhaqankii sitoo qalbiga hodanbaad ka tahay hubaashii ruux ku helay ayaa hibashada ka tagee ka koray hadimadiyo dhibtoo hantaaqiyo ciil ka baxay
Queue is empty
-- / --