VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Haybado mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Abdiaziz Ali Iskalaji
Haybado

adaa haybadoo haweenka
u hoodiyo haybad wacan
hanaana adaa u qurxoon
adaa ugu hadal macaan

habsamidaada i deeqday
habdhaqankana waxaad u tahay
hablaha soomaaliyeed
kuwii ugu hagaagsanaa
hal door u ahaa bulshada

hormuud lagu faanayaay
sareeyaay horumarshaay
hilaacii nuurayow
sidii hogol ii da'aay
dadkaad dadkaabad halhays u tahay

hubaashii ruux ku helay
ayaa hibashada ka tagee
ka koray hadimadiyo dhibtoo
hantaaqiyo ciil ka baxay

adaa himilada wanaagsan
dhigaa ugu hiigsi badan
halbeeg adigaa lahoo
adaan hagrashada aqoon

jabuutoo horumar gaadhay
hirkiyo dayaxana u hayaantay
hufnaantana lala cajiibo
ayaad la hal maashayoo
misana hilib kuugu yaal

hooyadii ku dhashaa amaansan
halyaygii ku korshaa hagaagsan
hoodana adigaa lahoo
hidiyo dhaqankii sitoo
qalbiga hodanbaad ka tahay

hubaashii ruux ku helay
ayaa hibashada ka tagee
ka koray hadimadiyo dhibtoo
hantaaqiyo ciil ka baxay

codkii Abdiaziz Ali Iskalaji